Background
Platform-kan e-learning-ka waxaa loo aasaasay si loo bixiyo waxbarasho tayo leh oo qof walba si fudud u heli karo, meel kasta iyo waqti kasta. Ujeedadeenu waa inaan ka dhigno waxbarashada mid dabacsan, la awoodi karo, isla markaana la jaanqaadi karta baahida casriga ah ee dunida digital-ka.
Website-kan waxaa loogu talagalay in ardayda iyo xirfadlayaasha ay ku bartaan xirfado muhiim ah sida programming, web development, mobile app development, iyo design. Koorsooyinku waa kuwo si fudud loo fahmi karo, isla markaana leh casharro talaabo-talaabo ah, quizzes, iyo mashruucyo practical ah.
Ujeedadeenu waa inaan xirfadaha waxbarasho ku xirno suuqa shaqada, si ardaygu marka uu dhammeeyo koorsooyinka uu u noqdo qof diyaar u ah shaqo ama project dhab ah.
Waxaan ku dadaaleynaa inaan dhisno bulsho waxbarasho oo taageero leh, casri ah, isla markaana diiradda saarta mustaqbalka.
Mission & Vision
Himiladeennu waa inaan bixino waxbarasho online ah oo tayo leh, fudud, oo qof walba heli karo, si aan u caawinno ardayda iyo xirfadlayaasha inay horumariyaan xirfado casri ah oo ay ugu diyaar garoobaan suuqa shaqada adigoo ku baranaya casharro practical ah iyo projects dhab ah.
Aragtideennu waa inaan noqono platform e-learning ah oo hormuud ka ah, oo bixiya waxbarasho casri ah oo la jaanqaadaysa teknolojiyadda, isla markaana dhisa bulsho waxbarasho oo caalami ah oo awood u leh inay mustaqbalka wax ka beddesho.
